Mileteriga Itoobiya oo gudaha ugalay Magaalada Adigrat Ee Gobolka Tigreega

Ciidamada Dowladda Itoobiya,ayaa gudaha u galay magaalada Adigrat ee ku taalla waqooyiga halkaasoo ay heysan jireen Ciidamada Maamulka Tigray.

Ciidamada,ayaa gudaha ugalay magaalada iyagoo lugeynaya halka qaarkoodna ay saarnaayeen Basas iyo Baabuurta Militeriga.

Fitsum oo ah kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay.

“Markii hore waxaan dareenay cabsi la xiriirta wixii hore halkan uga dhacay balse wax dhibaato ah ma dhicin”.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya ama mas’uuliyiinta Tigray oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaaladan.

Ciidamada dowladda,ayaa lagu wadaa inay la wareegaan saldhigyada Militeriga iyo xarumaha kale ee amniga.

Qeybo kamid ah Tigray waxaa dib loogu soo celiyay adeegyadii korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada kadib heshiiskii dhexmaray dowladda iyo Tigray kasoo lagu soo afjaray colaadda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading