Milleteriga Israa’iil oo burburiyay Taliskii Xamaas Ee Dhulka hoostiisa

Xamaas,waxaa laga burburiyay Xaruntii Taliska qaybteedii Dhulka hoostiisa ee Qasa.

Godkan,ayaa ku hoos yaallay Taliska sare ee Milleteriga Xamaas Qasa.

Waxaa la yaab leh baaxadda iyo sida ay casri utahay Godka hoose ee Xamaas,waxaana la tilmaamay in la barbar dhigi karo Qaybta Dhulka hoose ee Xarunta Dhexe ee Ciidamada Israa’iil Kirya Tel Aviv.

Xaruntan,waxay leedahay Wiish dhererkiisu dhan yahay 30-Mitir oo si casri ah loo dhisay,Ogsijiin, Qaboojiyayaal iyo isgaarsiin casriya.

Waxaa ku hawlgeli jiray Madaxda sar-sare ee Xamaas oo ay ugu horeeyaan Madaxa Xamaas ee Qasa Yahya Sinwar Madaxa Militariga Xamaas Maxammed Deyf.

30% ayay Ciidamada Israa’iil burburiyeen Godkaas iyo Xaruntiisii Milleteri.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading