Milleteriga Srael oo qabtay Gantaal Xuutiyiintu soo tuureen

Milateriga Israa’iil,ayaa sheegay in ay qabteen Gantaal laga soo tuuray Yemen Subaxnimadii hore ee Axaddan,Saacado kaddib markii Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo Xuutiyiinta oo ku yaalla Jasiiradda Carabta.

Duqeymaha Cirka ee Israa’iil, oo ay kaga jawaabayaan duqeymo ba’an oo ay Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ka geysteen Magaalada TelAviv,ayaa ahaa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka jawaabto weerarrada soo noqnoqday ee Xuutiyiinta muddada Sagaalka Bilood ah ee ay dagaalka kula jirtay Xamaas.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading