Milleteriga Sudan oo umuuqda in uu kasii adkaanayo RSF

Militariga Sudan,ayaa sheegay in hogaamiyahooda Jeneral Abdel Fattah al-Burhan, uu u rarayo xarun Madaxeedkiisa Magaalada Omdurman, oo ah magaalo weyn oo deris la ah caasimadda Khartuum.

War laga sii daayay Telefishinka oo uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Jeneraalka uu dhawaan u hoggaamin doono ciidamadiisa magaaladaas. Ciidanka ayaa horraantii usbuucan ku sii siqaya Omdurman ka dib markii ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay haysteen xoogaga RSF ah ee Ka soo horjeeda.

Jeneraal al-Burhaan,ayaa tan iyo markii uu ka tagay Khartoum waxa uu saldhig ku lahaa magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, iyadoo dagaaladu ay sii kordheen laga soo bilaabo sannadkii horer. Weriyeyaasha ayaa sheegaya in u dhaqaaqista Omdurman ay muujinayso xoojinta doorka ciidankiisa ee halkaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading