Miyaa looga adkaaday Karaash Loolankii uu kula jiray Deni iyo kooxdiisa?

Karaash hadafkiisa ugu weyn,waxuu ahaa in uu cadaadis saaro Deni oo doorashadii Gudoonka kasoo kaxeeyo.

Cadaadis saarida Deni,xoogaa dhaqaale ah,ayuu uga helay F&F.

Balse Deni waa ujoojin waayay oo waa yasay cadaadiskaas.

Haatan Karaash Gobolada Dalka,ayuu marayaa si uu Bulshada ula kulmo,waxaana socdaalkiisa lagu tilmaami kara nefis iyo jawi badalasho.

Deni waxuu Garowe usoo diray Labo ka mid ah 3-da Nin ee ay Shuraakada yihiin,isagoo si cad ugu sheegay in ay Kursiga difaacdaan.

Cali Xoosh iyo Maxamuud Shido,waxay horay usoo kaxaysteen Faroole,inkastoo wararku sheegayaan in Laftigiisu khaati ka taagan yahay oo uusan kula socon wax badan.

Deni iyo kooxdiisa Aaran-jaan waxay isla fahansan yihiin hal arin oo ah…(Daacad ka noqda hankayga Xamar ana waxaan daacad ka noqonayaa hankiina 5-ta sano ee soo socota).

Karaash waxa ugu weyn ee uu samayn karo waa xilka qaadis,taasoo Warqad laga daba soo saarayo maadaama Madaxweynihii dalka joogo.

Deni iyo kooxdiisu,iyagaa Karaash wadan waayay oo madax salaax iyo dabac umuujin waayay maahee Odaygu waa og yahay in uusan loolan weyn geli karin.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading