Miyay isqabteen Deni iyo kooxda sheegata lahaanshihiisa Ee Aaran-jaan?

Maxamuud isagoo isboohinaya,ayuu isku agtuuray Deni oo leh war khaldan,ayaa nalooga kaa keenay.

Hal Milyan oo dolar,ayuuna ugeeyay oo uu yiri ku kabo Olalahaaga oo Ninyahow yaan laysku kaaya dirin,sida ay ii xaqiijiyeen xog ogaal lagu kalsoonaan karo.

Garowe,waxaa laysla dhexmarayaa in Lacag badan oo Khayre leeyahay lasoo geliyay,taasoo lagu baayacayo Xildhibaanada Deni soo saartay.

Waxaa aad usoo xoogaysanaya in uu jiro kala fogaansho dhexyaal Deni iyo shayaadiinta,waxaana ka mid ah arimaha ay ku kala fogaadeen….

1.Aaran waxay rabeen in ay maamulaan Dhaqaalihii lagu soo saarayay Xildhibaanada,taasoo la xaqiijinayo in laga fogeeyay.

2.Aaran waxay rabeen in ay gal-gal ku yeeshaan Xildhibaanada iyadoo la xaqiijinayo in la yareeyay saamayntoodii.

3.Aaran waxaysan ku faraxsanayn heshiiskii Bosaso,waxayna u arkaan in iyaga magacii iyo Eedii ay raacday.

Aaran-jaan marna daacad uma ah Deni kamana shaqeeyaan dantiisa ee waa ku danaystaan.

Waxaase laysla qirsan yahay si walba oo mad-madow usoo kala dhexgalo in uusan Deni la dagaalami karin Kooxda oo uusan xor ka noqon karin.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading