Mooshin la geeyay Baarlamaanka Fadaraalka Ee Muqdisho

Tiro Xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa horgeeyay Golaha Mooshin ku saabsan wax ka baddalka Ajandayaasha maalmahan ay ka doodayeen.

Xildhibaanadan,ayaa dalbaday ka doodista arrimo ay ka mid yihiin amniga marxaladda uu dalka hadda ku jiro sida arrinta hubka ee Caabudwaaq oo maalmahaan aad loo hadal hayay iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaanka.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka,ayaa u codeeyay in la gudo galo mooshinka oo ay saxiixeen 18-Xildhibaan,iyadoo Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya la guda galayo ka doodista arrimaha ay mudanayaasha soo jeediyeen iyo wax ka baddalka Ajendaha.

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading