Mowqifka Dowlada Fadaraalka Ee isfahanka Itoobiya iyo Somaliland

Dawladda Soomaaliya ayaa si xooggan uga soo horjeesatay Is-afagradka ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Kadib kulan uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.”

Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay iskugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay kaga hadlaan tallaabada Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib ugu yeeranayso safiirkeeda Itoobiya si ay wadatashi ula samayso.

Dhinaca kalena madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowayd la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay “nasiibdarro.”

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.”

Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

“Jihada aad 1-da Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading