Mucaaradka Kursi doonka ah Ee Puntland oo ay ka muuqato diciifnimo

Afar Su’aalood,ayaa MW Deni usoo dhiibay xurmadle Boqor Burhaan markii ay kulmeen.

Su’aalahaas,waxay ku socdeen Madasha Mucaaradka,waxayna kala ahaayeen…

1. Hadii la waayo Doorasho ku dhacda 66 iyo 08 Jan 2024, maxaa qorshe Labaad idiin ah?

2. Maxaa amaanka iyo midnimada Pl idiinka qorahaysan?

3. Maxaa hortaagnaa in 24 sano lagu gaaro doorasho Qof iyo Cod ah?

4.SSC KHAATUMO maxaa idiinka qorshaysan?

Jawaabaha ay kasoo bixiyeen Madasha Mucaaradku uma qalmaan Su’aalahaas masiiriga ah,waxaana muuqata in aysan aragtiba udiyaarsanayn.

Foolxumada ka muuqata Madasha Mucaaradka,aragti la’aanta iyo in uusan ku jirin Siyaasi la goos goosan kara Deni oo buuxin kara Indhaha Bulshada,waxay fursad unoqotay MW Deni iyo qorshihiisa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading