Mucaaradka PL oo laga hor istaagay in ay Shir ku qabsadaan Hotellada Garowe

Dhamaan Hoteladii Garowe Deni,ayaa xirtay,si gaar ah Marti-soor oo ay ahayd in lagu qabto Shirka Mucaaradka oo ballansanaa,waa ka baxeen Ballantii.

Sidoo kale Maamulka Hotel Grand,ayaa diiday in Shirka Mucaaradka lagu qabto Hotelka,waxayna keeneen marmarsiiyo.

Waa wax la fahmi karo diidmada Hotellada Garowe ee Martigelinta Shirka Mucaaradka marka lagu qiimeeyo Sadex Qodob oo kala ah…

1.Marti-soor Deni,waxa uu ku leeyahay 10% Saami ah,sidoo kale 7-Qol,ayaa Dowlada si joogta ah ugu xiran,isla markaana ku dhawaad $49-kun,ayuu Bishii ka helaa Martida iyo Shirarka Dowladu usoo leexiso.

2.Grand Hotel,waa La mid oo si joogta ah,ayuu ugu xiran yahay Madaxtooyada iyo Wasaaradaha,haduu Martigeliyo Shirkaasna waa laga jarayaa Dhaqaalahaas.

3 Waxaa jira amar toos Dowladu ugu bixisay xirida Hotelkii Martigeliya Shirka Mucaaradka.

Waa nasiibdarro xaqiiqdii in Canshuurtii iyo awoodii Dowladnimo ee Shacabka Puntland loo isticmaalo caburin.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading