Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudo xileedkii Sharciga ah ee Madaxweynanimada Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiirada.
“Laga bilaabo Maanta waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore ee Somaliland ee wakhtigiisu dhamaaday”Ayay yiraahdeen.
Sida muuqata,waxaa fashilmay dhex-dhexaadintii Duqa Hargaysa iyo Warancade hormuudka uhayeen ee ilaa Xalay socotay.
Qodobada Xisbiyada Mucaaridku ku dhawaaqeen,waxaa ka mid ah….
- Maanta laga bilaabo Muuse Xukuumadiisa uma aqoonsinin mid sharci ah .
- Muuse Biixi Waxaanu u aqoon sanahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxwenihii hore .
- Xisbiyada Mucaaradku waxay aqoonsan yahiin Golaha Wakiilada , Maxkamada Sare iyo Golayaasha Deegaanka .
- Shacabku ha diidaan waxii sharci darro ah.
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.