Mudo ku dhow 10-Saacadood wali lama hayo raq iyo ruux Madaxdii Iran.

Mudo kudhoow 10-Saacadood wali lama hayo raq iyo ruux Madaxdii Iran.

Uguna muhiim sanaayeen madaxweynihii iyo Wasiirkii arimaha dibada ee dalkaas.

Dhamaan Dawladaha aduunka,ayaa kaqayb qaadanaya Gurmadka iyo Baadigoobka Madaxda Wadankaas.

Waxaa wax lala yaaba ah in Diyaaradihii Galbinayay waftiga Madaxweynaha kulaabteen Tehran iyagoon ogayn waxa kudhacay diyaaradii Madaxweynaha.

Awood Ciidan iyo mid gaashaandhig waa leeyihiin lkn Aduunka maanta ah waa qalab casri ah iyo xogta oo deg-deg loo heli karo markasta intaas Iran malahan.

Qalabkeeda iyo wara warayn teeduba waa mid qadiim ah,sigaara diyaarada Madaxweynahu saarnaa waxay ahayd diyaarad kuwa Qumaatiga ukaca Aircopter 1973 ah oo kuwii dagaalka Vitnam Maraykanku sameeyay ayay ahayd.

Dhac dadaan waa mid naadir ah marka laga tusaale qaato Dal iran oo kale ah,waxaana ceeb ku ah waa lawaayay.

Waa lahayaa xogteeda ama waa bur burtay ama waa lahelay waa la aqbali karaa balse lamaba hayo diyaaradii dhamayd ee Madaxweynuhu saarnaa ayaaba ceeb iyo fadeexad noqotay.

Wadaadadu waa ceeboobeen

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading