Mudo xileedka Madaxweynaha Jubaland Villa-du ma go’aamin karto!!!

Maxaan ka sugeynay DFS?

Maxaase kasoo baxay?

Maxaanse ka fileynaa warqada midan xigta?

Waxaan sugeynay in ay xukuumadu soo saarto warqad casuumad ah oo loo diro dhamaan Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,isla markaana la isaga yimaado sidii la isula meel dhigi lahaa doorashada waqtigeedu dhow yahay ee 2021-ka horaanytiisa.

Waxaa ka soo baxay DFS (runna ha sheegin beenna ha sheegin waxaad sheegtana ha waayin).

Xukuumaddu waxay go’aansatay in taysan soo saarin casuumadda in ay ilaaliso quluubta shaqsiyaadkii ay dagaalka natiijo la’aanta ah gelisay,iyadoo iska dhigeysa in looga baahnaa aqoonsi, isla markaana sheegeysa in ay aqoonsatay labo sano oo danbe marka ay iyaga u harsan tahay 6-bilood.

Muhiimada warqadaas iyo meesha ay ku socoto midna Jubbaland ma aha ee waa Dadkii Hotelada xamar shirarka loogu qabanayey.

Maxaan ka sugeynaa?

Warqadda casuumadda ee Shirka wadatashiga oo aan lagu soo qori doonin magacyada Madaxweynayaasha,sababtoo ah h adii lagu qoro Madaxweynayaasha Magacyadooda waa in ay qoraan ku meel gaar sida ay ku sheegeen warqadda koowaad ee loogu yeeray aqoonsi oo aan Jubbaland laga ogolaan doonin.

Gunaanad”

Jubbaland waxay soo dhaweyneysaa in ay wada hadlaan DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyagoo ka wada hadlaya masiirka umadda Somaliyeed.

W.Maaliyada Dowlada Jubaland

Abdirashiid Jire Qalinle.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading