Mudug: Maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug oo weeraray gaari siday Dad shacab ah

Inta la xaqiijiyay 2 ayaa ku dhaawacmay weerar jidgal ah oo maleeshiyaad hubeysan ay saaka ku qaadeen gaari dad shacab ah siday oo ka amba-baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kuna sii jeeday Degmada Goldogob.

Maleeshiyaadka weeraray gaarigan ayaa kasoo jeeda degaanada Galmudug, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli dhowaan maleeshiyaadkani ay isku dayeen inay weeraraan saldhiga Ciidanka Puntland ku lee yihiin Degaanka Teegare ee galbeedk Magaalada Gaalkacyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading