Muhaajiriin door ah oo ku qaraqmay Badweynta Atlaantikada.

Ilaalada xeebaha Mauritania,ayaa Isniintii ilaa 89-Meydadka muhaajiriin kasoo saaray doon ay saarnaayeen oo ku qallibantay Badweynta Atlaantikada.

Sagaal Qof – oo ay ku jirto gabar shan jir ah – ayaa lasoo badbaadiyay, balse dhowr kale ayaa maqan.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta – oo ahayd mid kalluumeysi – ay toddobaadkii hore kasoo shiraacatay xadka Senegal iyo Gambia iyadoo ay saarnaayeen ilaa 170 qof. Waxay ku quustay xeebta koofur-galbeed ee Mauritania.

Mauritania,ayaa marin muhiim ah u ah tahriibayaasha isku dayaya inay gaaraan Yurub kana imaanaya Galbeedka Afrika, iyadoo kumannaan kun oo doomood ay sanadkii hore ka tageen dalkaas.

Meesha ugu badan ee ay hiigsadaan muhaajiirintan ayaa ah Jasiiradaha Canary ee Spain.

Dowladda Spain,ayaa sheegtay in ku dhowaad 40,000 oo qof ay sanadkii hore tageen halkaas – waana labalaabka tiradii sanadkii ka horreeyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading