War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyaya waxyaabaha loo doortay gabadhaasi Soomaaliyeed oo ay ka guuleysatay tartamayaal badan.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan shaaca ka qaadista in Munira Khalif oo loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarada ee QM qeybta Mareykanka.
Munira Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah waxaa laga soo dhex xushay tartamayaal aad u badan kuwaasi oo kor u dhaafayaa ilaa 300 boqol oo qof waxayna ka kala socodeen Jaamacadaha kuyaala dalkaasi Mareykanak.
Munira waxay Jaamacadda Harvard ka barataa maadooyinka dhaqaalaha iyo maamulka dawladda,Waxay hore u aasaastay urur ka shaqeeya sidii gabdhaha Bariga Afrika u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.
Sidoo kale waxay si weyn Hay’adda Qaramada Midoobay uga ololeysay arrimaha dumarka iyo gabdhaha iyo in dhallinyarada la siiyo door xooggan oo ay uga qaybqaataan danaha guud.
Waxay ka geybgalaysaa Muniiro shirka 72aad ee Hay’adda UNA-USA oo magalaaad Newyorka ka dhacaya bishai September ee soo socota,ayadoo matalaysa Dhalinyarada Mareyakanka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.