Muqdisho: 2 Ruux oo maanta u geeryootay Cudurka COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur, oo saxaafadda kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in 2 ruux ay maanta magaalada Muqdisho ugu geeryoodeen cudurka Coronavirus, halka 41 qof laga helay xanuunka 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in 328 qof laga helay Cudurka Covid-19 guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale ay dhimashadu gaartay 16, halka dadka ka bogsaday Cudurka ay gaartay 8 Ruux.

Sidoo kale, Wasiirada ayaa xustay in dadka Cudurka laga helay uu ka mid yahay qof ka yimid Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug, waxaana ay intaas ku dartay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading