Muqdisho: Askar loo xiray dilkii Taliyihii Guutada GORGOR ee xalay la dilay

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in xabsiga loo taxaabay askar ku sugneyd bar koontarool oo ku taala nawaaxiga Ex Baar Shabeelle, kaddib markii ay ku lug yeesheen fal lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dhammaan ciidanka joogay barta koontarool la xiray, isla markaana Ciidanka Booliska ay wadaan baaritaanka falkaas.

Sarkaalka lagu dilay is rasaaseynta ka dhacday agagaarka Ex Hotel Naasahablood 2 iyo nawaaxiga Baar Shabeelle ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayeen.

Sarkaalkan ayaa ahaa Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka qeybta Kumaandooska, waxaana lagu magacaabi jiray Maxaadeey Suleeymaan, isagoo ahaa Taliyihii hoggaaminayay howlgalkii lagu qabtay Awdheegle.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading