Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo qabtay Nin xirnaa dhar Dumar.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir, waxa ay kusoo qabtay Nin xirnaa dharka Dumarka, kaas oo looga shakiyay in uu kamid yahay Argagixisada.

Dadka ku nool aaga Iskuul Godey ee degmada Kaaraan ayaa kusoo war-geliyay Ciidamada Ninkan xirnaa Dharka Dumarka, kaddib markii ay ka shakiyeen, Iyadoona ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha amniga ayaa Sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen ninkan ay ku waayeen wax Hub, Iyagoona xusay inay ku wareekiyeen Hay’adaha kale ee amniga si loogu sii sameeye Baaritaan dheeraad ah.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading