Muqdisho: Dibad-baxyo ka dhashay dil loo geystay Darawal Mooto-bajaaj

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Banaan-baxyo balaaran ayaa ka dhashay Dil Ciidanka Dowladdu ugu geysteen agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, Darawal Mooto Bajaaj.

Dibad-baxyadan oo ka dhacay Qaar kamid ah Isgoysyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa dadka dhigayay waxaa ay cabasho uga muujinayay falka dilka ah ee loo geystay Wiilka dhalinyarada ah eek u shaqeysanayay Mooto-bajaajta.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka,hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay.

Banaan-baxyada ayaa intaas kaddib fiday waxaana uu ka dhaceen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, Iyagoona Wadada bartankeeda ay ku gubeen taayaro Waaweyn, taas oo sababtay in uu hakad galo isku-socoka Gadiidka noocyadiisa kala duwan oo isticmaali jiray Isgoyska Ceelgaabta.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading