Deni iyo Xaaf oo qaadacay shirka amniga Qaranka Ee Muqdisho

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale Casumaad u diray Madaxda Dowlad goboleedyadda, isagoona ugu baaqay inay soo isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho si uu u qabsoomo Shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda Ammaanka dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu ku wargaliyay Madaxda Dowlad Goboleedyadda in uu shirkaan yahay Mid muhiim ah oo ka duwan shirarkii hore.

Casumaaddan ayaa todobaadkaan gaartay Madaxda Dowlad Goboleedyadda, waxaana shaki badan laga muujinaya suurtagalnimadda in ay tagaan Muqdisho, xilli uu baaqday shir horay loogu ballamay in uu ka furmo Garoowe Bishii hore ee March.

Warar goor horeba soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkaas ay ka biyo-diideen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo maalmaha soo socda u baxaya safar uu ku marayay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo xiriirka kala dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka uu meeshii ugu xumaa gaaray.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading