Muqdisho: Shabakad ka ganacsata Carruurta oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Booliska gaar ahaa kuwa Dambi baarista ee CID ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka ganacsata carruurta, kuwaasoo ka kooban 11 ruux.

Sida ay barteeda Facebook ku daabacday Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in 11 ruux ee la qabtay 8 ka mid ay yihiin Haween.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in la soo badbaadiyay 11 carruur da’dooda u dhaxeyso 12 sano jir illaa 7 bilood, kuwaasoo beec sugayaal ah.

Ugu dambeyntii, Gen. Zakiya ayaa sheegtay inay carruurta ay soo badbaadiyeen ay gacanta ku hayaan Ciidanka Booliska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading