Muqdisho: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada oo lagu dilay Weerarkii xarunta

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Saraakiil kamid ah Hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegay in la toogtay Afar ka mid ahaa Raggii weerarka ku qaaday dhismaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in Guud ahaan lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda, waxaana hadda gacanta ku haaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay Weerarkan, Iyadoona Meydad iyo Dhaawacyo lag soo gurayo gudaha xarunta, mana jirto illaa had acid xaqiijin karta tirade Dhimashada iyo Dhaawaca Weerarka ka dhashay.

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, ahaana Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdicasiis Saalax Carmaan  ayaa kamid ah dadka la xaqiijiyay inay weerarkaas ku dhinteen.

Ciidamada Booliska ayaa hadda xaqiijinaya dhismaha weerarka lagu qaaday, waxaana halkaasi ka muuqda burbur xooggan.

Wixii kasoo kordha kala Soco Idil News.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading