Mustafe Cagjar oo Ciidammo u diray dagaalka Gobalka Tigray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar, ayaa maanta sagootiyay Ciidammo uu u diray dagaalka Gobalka Tigray, kaddib dalab ka yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Ciidammada Dowladda Federaalka Itoobiya, iyo maleeshiyaadka Amxaarada ayaa lagu soo jabiyay dagaalka Gobalka Tigray, waxaana inta badan deegaanka dib u qabsaday dagaalyahanada TPLF.

Talaabada uu Ciidammada Soomaalida ugu diray Gobalka Tigray Mustafe Cagjar ayaa waxaa si adag u dhaliilay, Bulshada Soomaalida, maadama aysan jirin sabab Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dilo dagaalka u dhexeeya Tigreega oo dhinac ah iyo Amxaarada iyo Abiy oo dhinac ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading