Mustafe Cagjar oo la tacaalaya kala furfurida Beelaha kacsan

Madaxweyne Mustafe,waxuu sii wada kala furfurka Beelaha si uu uga hortago Kacdoonka socda.

Beesha Gur-gure,ayuu uyeeray,waxuu ku yiri…”Beesha Ciise idinkaa Dirirdhabe uga awood roon ee iska dhiciya Aniguna waan idin taageerayaa xilalna waa idin siinayaa iyo Lacag”

Isla goobtiina,waxaa loogu shubay Lacag 30-Milyan oo Bir ah Beesha Gur-gure.

Ciise waa Beesha Labaad ee ugu awooda Badan Deegaanka marka laga soo tago Daarood waxayna hayaan Jagooyinka kala ah..

M.xigeenka,Wasiirka Caafimaadka,3-Maareeye iyo 4-ku xigeen.

Sidoo kale Beesha Dhulbahante,ayuu abaabulay,isagoo uga dan leh ku fogaynta Beesha Majeerteen iyo kala qaybinta Beelweynta Harti.

Odoyaal uu horboodayo Suldaan Axmed Cawil Bacaluul oo Shalay hadlay,ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowlada Mustafe kuna faraxsan yihiin saami qaybsiga ay ka heleen.

Beesha Dhulbahante awood qaybsiga ay ku qanceen waa sidan…

Ku xigeenka Madaxa ka hor taga Aids oo Miisaaniyadiisu tahay 200-kun,ku xigeenka Nabadgelyada oo aan udhigmin awoodiisu Wasiir ku xigeen iyo Xoghayaha Xisbiga oo aan wax saamayn ah lahayn.

Dhanka kale Beesha Jidwaaq oo uu horay ugu raray Juwaano Lacag ah waxba waa uga hirgeli waayeen Lacagtiina waa lagu soo celiyay,balse Shalay,ayaa muuqaal laga duubay koox yar oo aan miisaan ku lahayn Jidwaaq,kuwaasoo lagu hawlgeliyay 100-,kun Bir.

Waxaa muuqata Madaxweyne Mustafe Siyaasadiisu in aysan Umadda ka gadmayn.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading