Muuqaal:-Dowlada Somaliya oo lagu eedeeyay in ay beecinayso Saliida Somaliya

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay Shirka London lagu qabanaayo in lagu soo bandhigaayo kaliya sahmin Shidaal oo sanadkii 2013-kii & 2015-kii laga sameeyay Somaliya.

Wuxuu tilmaamay sahankaasi baarista Shidaalka in laga sameeyay Kismaayo illaa Magaalada Hobyo dhanka Badda, sidaasi awgeedna aysan jirin Shidaal lagu xaraashaayo Shirkaasi oo dhacaya 7-da Bishan.

“Shirkan wuxuu daba socday Shir aan anaga ka qaybgalnay oo Capetown lagu qabtay oo ay isugu yimaadaan wadamada Afrikaanka ee Shidaalka leh & Shirkadaha soo saara Shidaalka, Shirkaasi markii aan tagnay November 2018-kii waxaan la fariisanay Shirkadihii caalamiga ahaa, waxaa noo soo baxday maadaama anaga Baaritaano dhawr ah lama sameeyay Sahanka badda Somaliya in aan soo bandhigno macluumaadkii laga haayay sahankii la sameeyay 2013-kii & 2015-kii.

“Sida aan horay u sheegay Shirkaan aniga ayaa ka iclaamiyay Capetown, waana kaliya soo bandhigada sahanka laba jeer laga sameeyay badda Somaliya, laga soo bilaabo Kismaayo illaa Hobyo inta dhimana waa la soo bandhigayaa, mana jirto wax la xaraashaayo oo Shidaal Somali ah.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya.

Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Xisibiyada mucaaradka ah,ayaa aad uga hor yimid shirkaas ,isla markaana ku tilmaamay in uu yahay mdi lagu beecinayo Saliida Somaliya,iyadoon laga wada tashan,lagana heshiin oo aan laga baraan dagin,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading