Muuqaal:-Madaxweyne Dani oo ka warbixiyay wada hadaladii ka socday Garowe

Magaalada Garowe ee caasimada Puntland,waxaa ka socday shalay ilaa xalay kulamo ay yeelanayeen Madaxwaynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay labada dhinac isa soo hor fariistaan tan iyo intii uu billaabmay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa madax kale oo ay ka mid ahaayeen:-


B.Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

T.Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sh.Maxamuud

J.Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed

X.Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cali Maxamed Geeddi

Kh.Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulankan ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii looga wada hadlay,balse Madaxweyne Dani oo shir jaraaid qabtay goor dhawayd,ayaa sheegay in Madaxda Somalidu is afgaratay.

Maadxweyne Dani waxuu sidoo kale umahadceliyay dhamaan Madaxdaii iyo haldoorkii kasoo qaybgalay caleema saarkiisii,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading