Muuqaal:-Madaxweyne Farmaajo bogaadiyay kulamadii Garowe dibna ugu laabtay Muqdisho

Si Gobanimo ah,ayaa loo marti galiyay ,loona tusay maqaamka Madaxweyne leeyahay,isla markaana la dareen siiyay in uu jiro Dal iyo Dad uu xukumo ee uusan ahayn Maxbuus ku oodan Villa-Somaliya Madaxweyne Farmaajo

“Waxaa sharaf weyn noo ah in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan sagootino isaga iyo weftigiisaba”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan ku faraxsanahay muddadii yarayd ee uu joogey Madaxweynaha Somaliya inuu fursad u helay kulanka madaxda Dowladda xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka iyo madaxdii hore ee dalka …Waxaan aad ugu mahadcelinayaa muddadii uu joogey sida wanaagsan ee uu arrimaha qaranka u agaasimey waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo maalmo dambe iyo safaro dambe in aan isu soo noqon doono si halkaa looga sii amba qaado nidaamka Dowladdnimo iyo kan Fadaraalka”. ayuu raaciyay Madaxweynaha Dani.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gabagabada safarkiisa.

“Waxaan uga faa’iidaysanay caleema saarkii inaan hawlo qaranku leeyahay aaan ku qabano oo aan balan-rasmiya ku galo Madaxda Dowlada xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Garowe haddi Alle idmo inagoo nabadda ayaynu kulmi doonaa”. ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa inta uu joogay magaalada Garowe waxaa uu ka qaybgalay xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland,sidoo kalena la kulmay madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka oo horay ay ukala irdhoobeen.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading