Muuqaal:-Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo oo soo gaaray Garowe

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garoowe, waxaana garoonka diyaaradaha uga hor tagay mas’uuliyiin faro badan.

Wafdi hor dhac u ahaa safarka madaxweynaha, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay gaaray halkaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka Garoowe uga sii hor maray diyaaradda sidday wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada baambeyda iyo dadweyne aad u fara badan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay madaxweyne farmaajo oo intii uu xilka qabtay markii 2-aad tagay Garowe,hoos ka daawo muuqaalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading