Muuqaal:-Madaxweyne Mustafe oo guulaystay kana saaray Wasiiro Golahiisa

Xiisad siyaasadeed oo ka taagnayd maalmahan Magaalada Jigjiga ee caasimada Somali State,ayaa umuuqata mid uu hada ku adkaaday Madaxweyne Cagjar.

Axmed Shide Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka ahna Gudoomiyaha Xisbiga talada Deegaanka Soamlida haya oo ahaa shaqsiga uu loolanka adag dhex yaalay Madaxweyne Cagjar,ayay muuqataa in looga adkaaday hardanka.

Ra’isalwasaare Abiye oo soo dhexgalay khilaafka Deegaanka khadka Taleefoonkana kula hadlay Madaxweyne Cagjar,ayay wararku sheegayaan in uu ufasaxay shaqadiisa uguna hablyeeyay dadaalkiisa.

Dhanka kale shir ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowlada Somali State,ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo cul-culus kuwaasoo kala ah;-


1.In Talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo caqabad ku noqota Nabada iyo Dimuqraadiyada horayna danbiyada uga galay Deegaanka.

2.In dib loo eego xubnaha Wasiirada ah ee aan soo xaadirin shirarka Golaha talaabana laga qaado haday wax iska badali waayaan.

Goluhu waxuu xilkii ka qaaday Wasiirka Warfaafinta Guuleed Aw Cali,isla markaana loo taxaabay xabsiga.

Aw Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii hore ee maamulkii Cabdi Iley ee nasiibak u yeeshay in ay ka mid noqdaan Wasiiradii uu magacaabay Madaxweyne Mustafe.

Sidoo kale waxaa Xilkii laga xayuubiyay ,isla markaana Xabsi Guri laga dhigay Cabdixakiin Cigaal oo ahaa madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga ( DSHS) .ee talada Deegaanka haya.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/OpfLFahG-aA

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading