Muuqaal:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho goor dhawayd

Laba qof ayaa ku dhimatay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay baankinka kaalin shidaal oo ku dhow Ex Shabeele iyo xaruntihii hore ee baarlamaanka.

Dhimashada iyo dhaawaca dadkan ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Tuulax ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid la diyaariyay mana uusan carabaabin halka loo waday qaraxa.

Halkan ka daawo Qaraxyada


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading