Muuqaal:-Madaxweyne Uhuru oo awoodii Rutto ku wareejiyay Wasiir

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha in uu noqdo madaxa guddiga awoodda badan ee Mashaariicda Horumarinta Qaran.

Waxaa laga yaabaa in ay kula noqoto magacaabis sahlan, balse durba waxa ay abuurtay fulkaanooyin siyaasadeed oo qabsatay warbaahinta Kenya.

Saakay boggaga hore ee Jaraa’idka waxaa lagu soo toosay iyada oo ay ku qoranyihiin in xilka Matiangi loo magacaabay uu meesha ka saarayo mas’uuliyadihii madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo isaga laftiisa hadal heyntiisa ay aad u badneyd dhawaanahan.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Keiyo South mudane Daniel Roho ayaa wargeyska Standard ku yiri “Waa arrin la yaab leh, sababtoo ah, dhammaan wasiirada waxa ay hoos tagayaan wasiir iyaga la mid ah”,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/wTDKYd9ZjqY

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading