Muuqaal:-Wafuud fara badan oo kusoo qulqulaysa Garowe

Garowe waxaa soo gaaray maanta wafuud kala duwan oo ka kala yimdi Muqdisho iyo Nayrobi.

Wafuudan kusoo qulqulaysa garowe,ayaa waxay u yimaadeen ka qaybgalka caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdulaahi Dani.

Ilaa iyo hada waxaa soo gaaray Garowe wafuud ay ka mdi yihiin…


1.Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wafti uu hogaaminayo

.2.Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil,

3.Wasiirka duulista Hawada iyo Gadiidka Maxamed Cabdilaahi,

4.Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre,

5.Wasiirka Dhalinyarada Khadiijo Diiriye

6.Taliyaha ciidamada Booliceka Fadaraalka Bashiir Cabdi iyo saraakiil la socota.

7.Salaad Cali Jeele Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada

8.Wasiirad hore Maryam Qaasim,

9. Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Fadaraalka

10.Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliya.

11.Gudoomiyaayasha Ururada Haweenka Qaranka Somaliya,

12.Xubno ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir

Si maqaam sare leh,ayaa Garoonka loogu soo dhaweeyay,waxaana soo dhaweyntooda hogaaminayay gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim dhooba-daareed.

Caleema saarka Madaxweyne Dani,ayaa umuuqda mid maqaamkiisu aad usareeyo noqdayna kii ugu saamaynta badnaa guud ahaan Somaliya.

Maalinak Beri ah,ayaa la filaya ain ay soo gaaraan Garowe wafuuda ugu badan oo ayq ayb ka yihiin Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading