Muuqaal:Iraan oo sheegatay in ay samaysay Gantaal rido dheer

Warbaahinta dowladda dalka Iiraan ayaa shaacisay iney Tehran ay xuska sanad guurada kacaanka dalkaasi oo sabtida la qabtay ay ku soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir (800 oo mile).


Kacaanka Islaamiga ee dalka Iiraan oo dhacay 1979-kii wuxuu jirsaday 40 sano.


Tehran ayaa waxay sheegtay iney sii ballaadhisay barnaamijyada ay ku sameeysaneyso hubka iyo gantaallada riddada dheer iyada oo jawaab uga dhigeyso cadadiska ay Mareykanka iyo Waddamada reer galbeedka dalkaasi ku hayaan.


Sabtidi shalay ahayd Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday iney Iiraan ay ku qasbanaatay iney sii ballaadhiso islamarkaana xaddigii looga tala galay ay dhaafiso sameysashada gantaallada riddada dheer ayna ku kalliftay cadaadiska waddamada reer galbeedka uga imanaya ayna sii wadeyso ilaa miiska wada hadalka loo soo noqdo.


Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Amir Hatami oo ka hadlay munaasabadda gantaalka lagu soo bandhigay ayaa wuxuu sheegay “Gantaalka la soo bandhigay inuu awood u leeyahay isaga oo bad sare ku soconaya uu muddo gaaban ku gaari karo halka lala beegsado”.


“Gantalkan lagu magacaabo Hoveizeh wuxuu ka mid yahay bahda gantaallada Soumar oo ay Iiraan sameysay sanadkii 2015-ka” ayuu yiri Hatami.


Khubarada reer galbeedkana waxay sheegeen iney Iiraan ay buunbuunineyso awoodda gantaalkan cusub ee ay sameeysatay balse uu ka duwaneen gantaalladi riddada dheeraa oo ay horay u sameysatay.


Taliyaha sare ee ciidamada Kacaanka Iiraan qaybta hawad sare Amirali Hajizadeh ayaa wuxuu sheegay “Iiraan oo horay ugu guuleystay iney sameeyso matoorka diyaaradaha dagaalka ee gantaallada riddada dheer xambaara ayaa waxay haddana ku guuleysatay ayuu yiri gantaallada riddada dheer oo uu ka mid ah gantaalkan maanta la soo bandhigay ee Hoveizeh.”


Muuqaal laga duubay gantaalka oo tijaaba lagu sameeynayo ayey wasaaradda ku sheegtay masaafa dhan 1,200 oo kiilo miitir oo gantaalakn lagu tijaabiyey in lagu guuleystay.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/bLhJkeBu-tU

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading