Muuse Biixi “Abtiyaashay ayaan badawnimada ka raacay” (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa maanta daah-furay Ololaha Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu qabtay Beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, ayna ka qeybgaleen Boqolaal shacab ah.

Madaxweyne Muse Bihi Abdi oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha xisbigiisa ayaa u jawaabay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysay Cali Waraabe, oo shalay weerar afka ah ku qaaday, kuna tilmaamay Madaxweyne Badow ah, Muse Bihi ayaana sheegay inuu badownimada ka keenay Abtiyaashiis oo uu ula jeeday Beesha uu kasoo jeedo Feysay Cali Waraabe.

“Faysal Cali Waraabe shalay waxa u yidhi Dalka waxa hogaamiya Madaxweyne badawa ah, waa run badaw ayaan ahayn , Balse waxan leehay badaw-nimadda Abtiyaashay ayaan ka raacay” ayuu yiri Muuse Biixi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading