Faallo:-Muuse Biixi ayay hiil utahay waxa ka socda Laascaanood

Muuse Biixi ayay hiil utahay waxa ka socda Laascaanood.

Gudaha Beeshiisa Isaaq,ayuu xaalku meel adag ka marayaa,waxuuna soo saaray Warqad cadaynaysa in Xisbiyadii Sharciyadii ka dhamaatay.

Xisbiyadiina waa diideen oo si adag ayay uga hor yimaadeen,waxaana qarka saaran in Beesha Isaaq markale isgacansaarto.

Laascaanood waxa ka socda,isagaa abuuray siina hurinaya,hadafkiisuna waxuu yahay in uu helo wax uu ku mashquuliyo Beeshiisa.

Muuse looguma hiilin karo qorshihiisa xaalad abuurka iyo rabitaankiisa ah in ay Puntland dagaalka soo gasho xiligan.

Laascaanood waxaa ku gadaaman waa Siyaasad ubaahan maarayn iyo aragti ka fog Shacab qiiraysan.

Dowlada Puntland kuma ceebaysna ka gaabsiga in ay ficil muujiso.

Qiiro iyo Dhagaxtuur xaalka Laascaanood kuma filna.!!

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading