Muuse Biixi oo abaabulaya Guluf xoog leh oo rogaal celis ah

Walwal weyn,ayaa galay Beesha Caalamka,kadib markii ay heshay xogo wardoon oo la xaqiiyay,kuwaasoo cadaynaya in Muuse Biixi soo wado dagaal xoog leh oo saf balaaran ah.

Qiyaastii 4000-Askari iyo Hub ay ku jiraan Taangiyo,ayuu dib usoo abaabulay Muuse Biixi.

Sida xogaha Beesha Caalamka gaaray ay xaqiijinayaan,waxuu qorshaynayaa in uu weerar ku ekeeyo Aaga Buuhoodle,kan Sool ilaa Sanaag.

Weerarka Muuse,waxaa la filan karaa mar walba,sida xoguhu xaqiijinayaan.

BC,waxay deg-deg ubilaabaysaa cadaadis ay saarayso Muuse Biixi.

Dhanka PL iyo reer Sool,way kala daadsan yihiin xilligan,waxaana intooda badan kala tagey Ciidamadii layskugu keenay Beelaha ee difaaca ku jiray.

Si dhakhso ah hadaysan u bilaabin Khaatumo,isla markaana PL aysan heegan ugelin Ciidankeeda,waxaa dhici karta in Muuse Biixi fursad uu guul ku gaari karo helo.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading