Muuse Jeegaan oo siyaasiyan go’doon ah”

Waddamada Ingriiska, Mareykanka, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa isku raacay in siyaasadda Muse Bihi ee qar iska xoorka ah ay Somaliland u geysan doonto go’doon siyaasadeed ee hor leh.
 
Sidoo kale,Qaramada midoobey iyo Midowga Yurub. ayaa walaac ka muujiyeye faham darida iyo nusqaanta siyaadaeed ee Muuse Biixi kula soo biiray arrimaha Gobolka.
 
Wada hadalo dhexmaray Beesha Caalamka, DFS iyo Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland iyo shacabkeedu muujiyeen dulqaad fara badan.
 
Sidoo kalena beesha caalamku ay ku boorisay in ay sii wadaan dulqaadkaas iyo xakameynta ciidankooda.
 
Si gaar ah Dowlada Maraykanku waxay Puntland uga garowday gardarada Somaliland,isla markaana Dowlada Maraykanku waxay Puntland u cadaysay in ay fahmi karto waaqicga jira.
 
Dowlada Maraykanka ayaa Puntland umuujisay dabacsanaan siyaasadeed iyo faham kulamadii udanbeeyay.
 
Dhinaca kale, DPL ayaa u sheegtay beesha caalamka in Muuse Biixi uu waday dandaansi iyo hurin dagaal si uu u helo fursad siyaasadeed ee uu ku gor gortamo,balse noqotay mid u soo jiiday dhimasho iyo dhaawac uu asagu ka masuul yahay.
 
Puntland ayaa sheegtay in Muse Biixii doonayo inuu colaadda gabaad uga dhigto colaadaha qabiiliga ah ee ka dhex aloosan Somaliland iyo sicir bararka dhaqaale ee xad dhaafka ah ee Maamul xumadiisu keentay.
 
Puntland samirkii iyo dulqaadkii wuu ka soo dhamaaday mana qaadan doonto dhib iyo colaad hoos galis ah waxayna difaacaysa shacabkeeda.
 
Dowlada Puntland ayaa si rasmi ah beesha caalamka ugu xaqiijsay in aysan ka baaqsanayn difaacida dadkeeda iyo dhulkeeda mudada dulmiga ku hoos jiray.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading