Muuse Suudi oo hadalo gafka ah ku weeraray Puntland

Waa hadal masuuliyad daro ah oo ka imaanaya Waayeel masuuliyad Qaran haya oo laga filayay in uu ka Shaqeeyo isku soo dhawaansho Umadeed.

Muuse hadalkiisu waxa uu leeyahay dareen gaar ah maadaama uu la Beel yahay MW fadhiya Kursiga Villa Somaliya.

Waxay ahayd in uu muujiyo matalaad uu ku matalayo MW Siyaasada oo uu noqdo Ergay ku xira Somalida kale mase ahayn in uu xumaanta ku raaco oo uga sii horeeyo.

Muuse weli waa hogaamiye kooxeedkiisii oo weliba helay Sharciyad uu ku hadlo.

20-Sano ka hor ayay ahayd markuu lahaa …”Daarood A.B.C.D midna mahan oo Cabdullaahi Yuusuf Kabo ka waa weyn uu rabaa in uu gashto”.

Hadalkaasna,waxaa ka danbeeyay “Muuse Kabihii waa gashtay ee kawaran? Oo Cabdullaahi Yuusuf oo Villa Somaliya fadhiya loogu keenay Muuse.

Haatana hadalkiisan,waxaa ka danbayn doona MW reer PL ah oo uu Marti ugu noqdo Villa Somaliya.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading