Muxuu ahaa Ajandaha Fadhiga Baarlamaanka Puntland Ee Maanta?

Garoowe, Augusto 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Hindse-xeereedka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda kaas oo ka kooban 70 Qodob.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, Guddiga ayaa Golaha warbixin ka horjeediyey kadib akhriska 2aad ku sameeyn.

Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah dalka.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee Puntland.

Xeerkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda Guud ee dalka.

Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey labo Xeer oo kala ah, Wax-ka-bedelka xeerka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Dawladda Puntland, kuwaa oo Golaha dib loogu soo celin doono maalinta Khamiista 10 Augusto, 2023 Haddii Alle idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading