Muxuu Cali Guudlaawe ku diiday Shir Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ?

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein, ayaa qoraal uu soo saaray ku qaadacay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo lagu waday inuu Axadii ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Guudlaawe ayaa sheegay in wixii ka soo baxa shirka Madasha Qaran aysan qeyseyn maamulka Hirshabelle uuna dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

MUXUU GUUDLAAWE KU DIIDAY SHIRKA ?

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku carooday in aan loo hakin Shir ay aalada ZOOM ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah ee DFS, kaddib markii ay u suuroobi weyday inuu kasoo qeybgalo cilad farsamo aawadeed.

Sidoo kale, Guudlaawe oo ku sugan Dalka Turkiga ayaan laga talogalin Ajandaha Shirka. Waxaana socda haatan dadaalo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo la doonayo in lagu qanciyo Cali Guudlaawe, si uu Shirka uga soo qeybgalo.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka qabsoomey heshiiskii 27-May ee Doorashooyinka iyo dardar-gelinta shaqooyinka haray.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading