Muxuu daarnaa kulanka Madaxweynayaasha Masar,Somaliya iyo Eretereya?

Ujeedka kulanku,waa fariin loo dirayo Abiy oo oranaysa (Kulligayagu,waa kuu midaysanahay).

Fariintan in la diro,waxaa fasaxay Maraykanka oo si weyn uga niyad jabay hogaaminta Abiy ee toobiya.

Warar,kulankaas laga helayo,ayaa sheegaya in MW Masar soo gaarsiiyay Somaliya Maraakiib dagaal oo Itoobiya leedahay in ay joogaan Badda Somaliya oo ay dhawaan tagi doonaan Berbera.

Kulankan,waxay Somalidu ka faa’idaysaa cadaadis saarida Abiy in ay sii xoojiso.

Dhanka kale Masar,waxay keenaysaa Xamar Markab kale oo Hub ah,iyadoo tababaraysa ku dhawaad 200 oo ah Askartii Madaafiicda ah.

Hubka Masar keenayso iyo tababarada ay bixinayso,waxay kusoo aadayaan xilli Somaliya aysan lahayn Ciidan Qaran,waxaana walwalka ugu weyn uu yahay in Hubkaas Gacan khaldan ugalo ay ubadan tahay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading