Muxuu Jubaland Mowqifkeedii ka badalay cadaadiska BC?

Safiirka UK ee Somaliya iyo MW Jubaland waxay kuwada hadleen khadka Taleefoonka.

Arimaha ay iska dhaafsadeen,waxaa ugu hilnaa Shirka Madasha iyo Qodobada JL ka Biyo diiday.

JL,waxay usheegtay Safiirka in ay samaynayaan waxa Dastuurka JL u ogol yahay,isla markaana aysan ka talaabsan karin,taasoo la macna ah in ay Doorasho galayaan Bisha Nov.

Sidoo kale,waxaa qorshaysnaa in wefti ka socda Midowga Yurub ay Maanta gaaraan Kismaayo,wayse baaqdeen,waxaana wararku sheegayaan in ay beri tagayaan ama ay dhici karto in la joojiyo Safarkaas.

Safaraadaha BC,ayaa intooda badan isku raacay in DG qabsadaan Doorashooyinkooda,isla markaana Xasan Sh.joojiyo deg-dega.

Wakiilada BC,waxaa usocday maalmahan kulamo ay ku lafa gurayeen xaalka Wadanka iyo Shirka fashilmay,waxaana uqorshaysnaa in ay soo wada saaraan Warqad,balse,Wakiilka QM Sawan,ayaa codsaday in aan laga hor dhicin Warka DFS kasoo bixi doona.

Sida muuqata JL kuma dabcin cadaadiska BC oo waa ku adkaysatay mowqifkeeda.

Waxay kaloo JL iska diiday qorshe la waday oo Xasan ku tagi lahaa Kismaayo Maalinka Berri foog ah.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading