Muxuu ka dhigan yahay hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali?

Garaad Jaamac,waa filayay in uu leeyahay aragti wax qiimayn karta,isla markaana ku dhac leeyahay.

Garaadka iyo Beeshiisa hoose ee Bah-ararsame waa hormuudka Siyaasada ee Beesha Dhulbahante wax u iftiimiya.

Xogaha dhabta ah ee jira,waa in Garaadka iyo talo qabeenka Beesha Bah-ararsame ay qabaan Sool Bari iyo Buuhoodle in aysan noqon karin Maamul,sidaas ay tahayna in PL ay kasii mid ahaadaan oo Caasimada PL loo wareejiyo LC ay macno uleedahay reer Sool.

Hadalkiisa Maanta,waxuu xaqiijinayaa xogtii hoose ee jirtay.

“Laba Dowladood oo isku sidkan,wadaaga Dhaqaalaha,amniga iyo masiirka in la dhiso oo Waxgaradku isku jarjaraan ama isku dabraan”Ayuu yiri Garaadku.

Su’aashu,waxay tahay,hadii Amni,Siyaasad iyo Dhaqaale mid laga yahay maxaa lagula kala baxay?

Si uun layskugu dabray? macnaheedu,waa isla joog xirfadaysan oo la macna noqon karta Maamul hoosaad gaar ah oo Sool haysato kuna hoos jira PL Guud.

Garaadku xaqiiqda,waa taabtay,waana iska ilaalshay Dhalinyarada Baraha Bulshada iyo Haweenka qiiraysan.

Hadaan nahay Reer PL kale haba yaraatee Dan nooguma jirto Sool oo PL kasii mid ahaata,sababtoo ah Dhaqaalaha,Siyaasada iyo Amniga la wadaagayo waa kuwa PL-ta balaaran ee Sool PL uma leh macno Siyaasadeed iyo Dhaqaale kaliya Amni ahaan ayay mudan tahay tixgelin oo Hargaysa,ayay maamulaan xagjiriin Qabyaaladu Madaxmartay oo ka maran Siyaasada.

Sidoo kale Sanaag Bari,ayaa la mid ah oo aysan PL-ta balaaran ubaahnayn,waxaana waaqiciga hada jiraa oranaya Sool Bari iyo Sanaag Bari,waa in PL banaanka laga dhigaa oo la taageeraa Shirarka socda.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading