Muxuu ka dhigan yahay hadalka RW Abiy kasoo saaray dadaalka Turkiga?

Hadalka RW Abiy marka laga soo tago Mahadcelinta MW Erdogan,waa fariin isbadbaadineed oo uu udirayo Dadkiisa.

Abiy si cad,ayuu ugu fashilmay hirgelinta doonistiisii uu qaawiyay ee ahayd in uu helo Saldhig Milleteri oo Badda Cas ah.

Si kale hadii loo dhigo,waa ku dhici waayay in uu ubadalo isfahankii SL dhexmaray heshiis rasmi ah.

Cadaadisyada uu la kulmay,waxaa ugu weynaa kan Turkiga oo ku noqday,wuxuusan dhaafi karin marka laga tusaale qaato Laba Qodob oo kala ah…..

1.Maalgashiga Balaaran ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya.

2.Heshiiska Amni ee Turkigu kula jiro Somaliya.

Sida muuqata kulanka Turkiga ka dhacaya Itoobiya,waxay kaga laaban doontaa isfahankii ay SL la gashay kadibna,waxay Somaliya shaacin doontaa in ay ogoshahay Badeeda in ay la wadaagto Itoobiya si waafaqsan xeerarka caalamka,gaar ahaan kan 1982-dii soo baxay ee QM oo sharaxaya sida ay wax uga helayaan Badaha Dowladaha aan Badaha lahayn.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading