Muxuu ka dhignaa kulanka Xasan iyo Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka?

Socdaalka Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka ee Jabuti,waxuu ahaa mid guud oo dhoolatus Siyaasadeed u ah Ruushka iyo Shiinaha.

Ujeedka Maraykanku,waa “Afrika anaa leh Ruush iyo Shiinoow”.

Lugta uu Jabuti ku maray kaliya,waxaa qorshaysnayd in uu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliya kuma jirin qorshaha in uu la kulmo,waxaase fududeeyay Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Xasan iyo Xoghayaha marka laga soo tago dhiirigelinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab,waxa kaliya Xasan ka faa’iday waa Sawirka.

Dad badan,ayaa qaba tagida Jabuti ee Xasan in aysan qurxoonayn oo ay bahdil ku ahayd Diblomaasiyada Somalida oo awalba dhulka taalay.

Xoghayuhu,haduu danaynayo Somalida,waxuu kula kulmi karay Madaxweynaheeda garoonka Aadan-cade,taasoo ahaan lahayd dhiirigelin macno leh.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading