Muxuu ka yiri Swan Ammaanka iyo Shabaabka?

James Swan mar uu warbixintiisa uu kaga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya wuxuu sheeegay Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan isaga oo bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-Shabaab.

Wuxuuna intaa raaciyey Al-Shabaab iney weli khatar weyn ku yihiin amniga Soomaaliya, awoodna ay u leeyihiin in ay joogteeyaan dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta.

Ilaa hadda sanadkan 2021-ka, UNSOM waxa ay diiwaan gelisay 964 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan. Al-Shabaab ayaana weli ah ayuu yiri dambiilayaasha ugu weyn, iyadoo mas’uul ka ah ku dhawaad saddex meelood laba meel waxyeellada rayidka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading