Muxuu kaga hadlay Shirkiisa jaraa’id W.Arimaha Dibada Itoobiya?

Weli ma imaan Itoobiya halkii la rabay in ay timaado…..

1.Si cad waa in ay uga laabataa isfahankii ay la saxiixatay Maamulka Somaliland.

2.Si cad,waa in ay uqirtaa in ay ixtiraamayso Madaxbanaanida Qaran iyo Midnimada Dhuleed ee Somaliya.

Hadalkan Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya,waa mid Diblomaasiyadeed oo aan waadix ahayn,balse muujinaya in Itoobiya xaalku ku adag yahay.

Wasiirka Arimaha Itoobiya,hadalkiisu,waa mid muujinaya waji gabaxa ku dhacay Siyaasadoodii Arimaha Dibada iyo go’doonka ay galeen.

Marka laga tusaale qaato hadalka Wasiirka Arimaha Dibada ee Maamulka Abiy cadaadiskii Somaliya waa damqay,waxaana la rajayn karaa in Shirka Turkiga ee loo balansan yahay uu miro dhal noqdo.

Sida muuqata Maamulka Abiy,waa ogol yahay in uu ka laabto isfahankii uu la galay SL ,balse wuxuu rabaa in Shaati loo geliyo.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading