Waa khudbad Puntlander ah oo aad ugu dhow maxaliga gudaha ka jira.
Waa khudbad uu ku muujiyay in uu yahay MW Puntland oo uu siiyay mudnaanta Puntland.
Waa khudbad Dadka reer Puntland uga qiimo badan tiisii ka horaysay markii uu ku dhawaaqayay Wajiga 3-Aad.
Waa khudbad uu ka fogaaday in loo arko Musharax MW JFS oo u isticmaalayo dagaalka argagixisada Olalihiisa.
MW Deni,waxa uu la hadlay Ganacsatada oo uu ku yiri….
Usoo banbaxa taageerada Ciidanka,waa la dilay Dhagdheer.
Sidoo kale MW Deni,waxa uu guubaabiyay Dhaqanka,gaar ahaan Nabadoonada oo uu ku yiri (Shaqeeya argagixisadii,waa la Dilnay).
MW Deni,waxa uu dul istaagay Wadooyinka muhiimka ah ee Bari,kuwaasoo fure u ah in Gobolkaas uusan unoqon gabaad argagixisada markale.
MW Deni Shacabka Puntland,ayuu bogaadiyay oo si weyn udul istaagay dadaalkooda iyo dhiiranaantooda.
Khudbadii Bulshada Puntland ubaahnayd oo 90% mudnaanta siinaysay PL marka laga reebo 10% oo loo baahnaa in uu fariin udiro Somalida kale ee ku jirta dagaalka argagixisada,ayay ahayd midan.
MW Deni,waxaa la oran karaa waa ka jawaab celiyay baaqii ahaa (MW ku laabo Khudbada).
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.