Muxuu kala laabtay booqashadiisii Biden Bariga Dhexe?

Biden,ayaa ka laabtay Israa’iil,waxa uuna kulan la qaatay Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada iyo Qoysas intii uu joogay halkaas.

Waxaa la baajiyay qorshe socdaal oo uu ku tagi lahaa Urdun oo uu kula kulmi lahaa Madax Carbeed.

Socdaalka Bariga Dhexe ee Biden,ayaa la oran karaa guusha ugu weyn ee laga gaaray waa muujinta garab istaaga Maraykanka ee Israa’iil.

Intii uu joogay Israa’iil Joe Biden,ayaa israa’iil ku qanciyay islamarkaana kula heshiiyay in gargaar xaddidan la gaarsiiyo Marinka Qasa.

Biden,ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar Cabdul-Fatax Al-sisi uu aqblay in la furo Marinka muhiimka ah ee Rafax si gargaar loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee xaaladdu ku adagtahay.

Maalintii Laba iyo tobnaad (12), oo duqeymo iyo go’doomin ay Qasa ku jirto waxaa ka dhashay dhibaato bini’aadannimo oo xaalad cakiran geliyay Qasa iyo dadka reer Falastiin.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading